Home Wararka Maanta Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha

0

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka qaraxaas uu ahaa magaalada Muqdisho, si loogu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in markii ay u suuragelisay in Al-Shabaab ay qaraxaas soo geliyaa caasimada ay ku qarxiyeen saldhig ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin halkaasi.

“Saaka abaare 05:30 AM ayeey Khawaarijtu sidii caadada u aheyd gaari ay soo maduufikeeyeen oo ay biro iyo qaraxyo ku soo rareen oo ay la rabeen in ay Caasimada soo galiyaan, ayaa markii ay fursad u waayeen si nafti halignimo ah ay ugu qarxiyeen fadhigii Ciidanka Sugida iyo Xoojinta Amniga Caasimada” ayuu yiri afhayeenka ciidamada booliska.

Sidoo kale wuxuu shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxaan, isaga oo tilmaamay inay ku dhintay 6 qof oo laba kamid ah ah ay yihiin shacab, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah, balse warkan ayaa duwan sheegaashadii Al-Shabaab.

“Khasaaraha uu qaraxaasi reebay ayaa ah dhimashada 6 qofood (4 Ciidanka ah iyo 2 shacab ah) dhaawacyada ayaa ah 9 qofood (5 Ciidanka ah iyo 4 shacab ah)” ayuu ku daray.

Waxaa kale oo yiri “Gaarigaan ayaa ahaa kii 5-aad oo ay Khawaarijtu qarax ku soo rarely oo Ciidamada Amaanku ka hortagaan inuu caasimada soo galo, sida mid lagu qabtay Deegaanka Daarusalaam, mid lagu qarxiyay Degmada Dayniile, Degmada Kaxda iyi Degmada Wartanabada iyo kan saaka ClDwwgaanka Ceelasha biyaha oo ahaa kii 5-aad”.

Dhanka kale, goor sii horreysay kooxda Al-Shabaab oo sheegatay weerarkaan ayaa ayaa shaaca ka qaaday in qaraxaan ay ku bartimaameedsay xero ay daganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaan Boolis-Milataro ee ka howlgala Muqdisho iyo duleedkeeda.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay inay goobta ku dishay ugu haraan illaa 49 askari, ayna dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan oo isugu jiro saraakiil iyo askar kale.

Si kastaba, qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya caasimada iyo hareeraheeda, waxaana culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo inta badan lagu jebiyay dagaallada ka socda gobollada dalka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWasiir Biixi Iimaan Cige oo Shaaciyay Waqtiga Lagu Dhawaqaayo Dayn Cafinta Soomaaliya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyay Alshabaab oo Shabeeloow Laga Saaray