Home Wararka Caalamka Taliban oo War cusub ka soo saartay dilka Hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri

Taliban oo War cusub ka soo saartay dilka Hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri

0

Maamulka Taliban ayaa sheegay inaysan helin meydka hoggaamiyahii Al-Qaacida oo dhimashadiisa ay xaqiijiyeen Mareykanka bishii hore.

Afhayeen u hadlay kooxdan maamusha dalka Afghanistan, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in ilaa hadda aan meelna lagu sheegin meydka Ayman Al-Zawahiri.

Waxaa uu intaas ku daray inay sirdoonka ka codsadeen xog, baaritaankii la sameeyayna lagu waayay wax raad ah oo muujinaya geerida Zawahiri ama meydkiisa.

Taliban ayaa horey dafiray in ay ogaayeen halka Zawahiri ka joogay waddankooda, markii Washington ay shaacisay dilkiisana waxay sheegeen inaysan ka warqabin dilka.

Weli waxaa socda baaritaan, sida uu sheegay afhayeenka Taliban.

Washington ayaa bishii July sheegtay in ay dileen Al-Zawahiri kaddib markii lala beegsaday gantaal ay soo ridday diyaarad uusan duuliye saarnayn, xilli uu taagnaa meel balkoon ah oo ku taallay halka uu ku dhuumanayey.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dilkiisa uu ahaa dharbaaxadii ugu weyneyd ee ku dhacda Al-Qaacida tan markii ciiidaanka badda ee Mareykanka ay dileen Usaama Bin Laden, mudo haatan laga joogo toban sano.

Ad
Previous articleDowlada Masar oo Ciidamo usoo Doraysa Soomaaliya+Ujeedada
Next articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ubaxay Safar Dibada ah (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here