Home Wararka Maanta Taliban oo iskugu yeertay ciidamada dowladii burburtay ee Afghanistan

Taliban oo iskugu yeertay ciidamada dowladii burburtay ee Afghanistan

0

Xoogaga Taliban ayaa u yeeray duuliyeyaashii hore iyo askarta ciidamada qalabka sida ee Afghanistan si ay ugu biiraan ciidamada cusub ee dalkaas,

Wahiidullah Hashimi oo ka tirsan  madaxda sare ee Taliban ayaa sheegay in Taliban ay qorshaynayso inay dhisto ciidan qaran oo cusub oo ay ku jiraan xubnahooda iyo sidoo kale askarta dowladda ee doonaya inay ku biiraan.

Qorista askartan ma cadda in Taliban ay ku guuleysan doonto, maadaama kumanaan askari ay dishay 20-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo sidoo kale beegsatay duuliyeyaashii uu Maraykanku tababaray.

“Intooda badani waxay tababar ku soo qaateen Turkiga, Jarmalka iyo Ingiriiska. Waxaan u sheegi doonnaa inay dib ugu laabtaan boosaskoodii” ayuu yiri Hashim oo la hadlayay wakaaladda hararka ee Reuters.

Wuxuu sheegay inay jiri doonto dib u habeyn iyo is-bedello lagu sameynayo ciidanka Afghanistan.

Taliban ayuu sheegay iney ka rajeyneyso dalalka deriska ah inay soo celiyaan diyaaradihiii ay la baxsadeen duuliyaashii ka qaxay Aghanistan, kuwaasoo ay ka mid yihiin 22 diyaaradood oo milateri, 24 helikobtar iyo boqollaal askari oo Afghanistan ah.

Ad
Previous articleHeerka Dhalmada ee Wadanka Norway oo korortay kala Bar Sanadkan
Next articleXukuumadda oo shaacisay xilliga uu Furmayo Shirka golaha Wadatashiga Qaran