Home Wararka Maanta Taliban oo codsi xasaasi ah u diray Dowladaha Mareykanka iyo Yurub

Taliban oo codsi xasaasi ah u diray Dowladaha Mareykanka iyo Yurub

0

Wasiirka arrimaha dibadda Mamulka Taliban ee Afghanistan ayaa sheegay mar uu ka hadlayay shir caalami ah sheegay in cunaqabateynta uu Mareykanku kusoo rogay ay tahay sababta ugu weyn ee saboolnimada dalkiisa.

Amir Khan Motaki ayaa mar kale ku boorriyay Washington inay ka qaaddo xannibaadaha “Si shuruud la’aan ah” isla markaana ay u soo deyso ku dhawaad 7 bilyan oo doollar oo ah lacagaha la xayiray ee Bankiga Dhexe ee Afghanistan oo lagu hayo Mareykanka, si ay awood ugu siiso Taalibaan in ay wax ka qabato dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa bini’aadantinimo ee sii xumaanaya.

Wadamada Yurub ayaa iyaguna xannibay $2 bilyan oo kale oo kaydka Afghanistan ah.

“Tallaabooyinkani ma ahan oo kaliya inay carqaladeeyaan maalgashiga shisheeye iyo macaamilka maaliyadeed, laakiin sidoo kale waxay saameeyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqyada dowladda ee faa’iidada u leh dadweynaha,” ayuu Mottaki yiri.

Waxa uu ku tilmaamay kaydka Afghanistaan oo la fasaxo iyo ka qaadista cunaqabataynta inay tahay “tallaabo aasaasi ah oo loo qaaday soo celinta xiriirka” Kabul iyo Washington.

Taliban ayaa xukunka dib ula wareegtay bishii Ogosto ee la soo dhaafay markii ay burburtay dowladdii ay reer galbeedku taageerayaan ee Kabul, dhammaan ciidamadii shisheeye ee uu hoggaaminayay Mareykanka ayaa si lama filaan ah uga baxay dalkaas kaddib ku dhawaad 20 sano oo dagaal ay kula jireen Taalibaan

 

 

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo Mushaarka u kordhiyay Ciidamada NISA
Next articleMuqdisho ” Boliiska oo Soo Bandhigay nin laba dumar ah udilay god qashin Lagu shubo “.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here