Home Wararka Somaliya Taalibaan oo Afgaanistaan uga dhawaaqday Dowlad KMG ah

Taalibaan oo Afgaanistaan uga dhawaaqday Dowlad KMG ah

0

Taliban ayaa ku dhawaaqday dowlad kumeel gaar ah, taasoo uu hoggaaminayo mid kamid ah aasaasayaashoodii ururka.

Sidoo kale, waxaa jira nin ay mar hey’adda sirdoonka Mareykanka “FBI”, u doon doonayeen dambiile, kaasoo noqonaya wasiirka arrimaha gudaha.

Dowladda waxaa hoggaamin doonna Mullah Maxamed Xasan Akhunda, iyadoo ninka kale oo kamidka ah aasaasayaasa Taliban, Mullah Cabdul Ghani Baradar, uu noqonayo madaxweyne kuxigeen, sida uu u sheegay afhayeen war fidiyeenada.

Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka, ayaa intaa ku darey iney og yihiin in dadweynaha ay sugayeen ku dhawaaqista dowladda cusub.

Taliban ayaa la wareegtay inta badan ee dalka Afghanistan saddex toddobaad kahor. Ku dhawaaqista wasiiradda kumeel gaarka ah, ayaa ah tallaabo ay horey uggu qaadeen Taliban sameynta dowlad.

Sarajuddin Haqani, oo ah wasiirka cusub ee kumeel gaarka ee arrimaha gudaha, ayaa ah madaxa kooxda mintidka ee loo yaqaano shabakadda Haqqani

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in Cidna loo Joojineen Doorashada Dalka
Next articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Lagu wado in Saaacadaha soo aadan uu ku dhawaaqo Liiska Aqalka sare ee Hirshabelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here