Home Wararka Maanta ”Taa waa idinku taageeraynaa” – Erdogan oo ku dhawaaqay moowqif aan ka...

”Taa waa idinku taageeraynaa” – Erdogan oo ku dhawaaqay moowqif aan ka farxinaynin dalka Ruushka

0

Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa ku sheegay in Ukraine ay “u qalanto” inay ku biirto NATO. Mar uu ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky oo ay Sabtigii isku arkeen magaalada Istanbul, iyo kahor shir-madaxeedka wayn ee NATO ee ka dhacaya Lithuania toddobaadka soo socda.

“Shaki kuma jiro in Ukraine ay u qalanto xubinnimada NATO,” Erdogan ayaa sidaa u sheegay warfidiyeenka, isagoo intaa ku daray in Ankara ay Kiev u muujisay “hiillo” ayna bixisay “caawin la taaban karo.”

Zelensky ayaa isna sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu ogaado taageerada Erdogan, isaga oo intaa ku daray inuu “lasoo qaaday arrinta ku saabsan in Ukraine ay ku biirto NATO” intii lagu jirey kulankooda.

Hogaamiyaha Turkiga ayaa sidoo kale ugu baaqay Moscow iyo Kiev inay “ku soo laabtaan dadaallada nabadeed.” Waxa uuna ku andacoodey in Turkigu uu sameeyey “dadaalladii ugu badnaa” si loo soo afjaro colaadda sannadkii hore kaddib markii ay dhexdhexaadiyeen wadahadallo nabadeed, in kasta oo wada-xaajoodyadu ay ugu dambayntii burbureen.

“Nabad cadaalad ihi ma abuurto nin dhinac guuldarraysto.” ayuu xusay Erdogan.

Hadalkan ah in Ukraine NATO lagu daro ayaan ka farxinaynin Moscow oo dagaalkaba u qaadday inay taa hor istaagto, sidoo kalena olol la ah Erdogan laftiisa.

Ad
Previous articleFaahfaahin: Hooyo iyo saddax carruur ah oo ay dhashay iyo aabbe iyo afar carruur ah uu dhalay oo Qarax Ku Geeriyooday
Next articleYuusuf Duqow Xuseen oo Qaraxyo ka Gaystay Muqdisho oo Xukun lagu riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here