Home Wararka Caalamka Sweden: Qarax ka dhacay Guri Dabaq ah oo ku yaala Degmada Farsta

Sweden: Qarax ka dhacay Guri Dabaq ah oo ku yaala Degmada Farsta

0

Qarax ayaa ka dhacay deegaanka Fagersjö ee degmada Farsta ee koonfurta Stockholm. Shan qof ayaa dhaawac fudud soo gaaray. Howlgal ballaaran oo ay wadaan ciidamada booliska ayaa goobta ka socda.

Booliska ayaa ka war helay Warka Qaraxa 8:30 fiidnimo ee Caawa. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay jaranjaro dhismo ah, waxaana ciidamada ay ku raad joogaan ninkii falkan geystay.

Sida laga soo xigtay booliska, ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay. Dhaawacooda ayaa lagu tilmaamay mid fudud. Mid ka mid ah dabaqyada ayaa bur-bur kasoo gaaray albaabkiisa hore iyo daaqadaha.

– Weli ma garanayno waxa qarxay, ayuu yidhi Daniel Wikdahl oo ka tirsan booliiska Stockholm.

– Shaqo adag ayaa hadda ka socota goobta, ayuu yiri Daniel Wikdahl oo ka tirsan bilayska Stockholm.

Ad
Previous articleCaalamka: Shehbaz Sharif oo Mar kale loo doortay Raisal Wasaaraha Dalka Pakistan
Next articleMagaalada Gaalkacyo oo lagu Qabtay nin hore dil uga geestay halkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here