Ku dhawaad 90 qof oo qaxoonti ah oo ka yimid dalka Ukrain ayaa saaka soo gaaray magaalada Karlskrona ee dalka Sweden.
Saacadu markay ahayd 8:30 subaxnimo ayaa doon siday dad qaxooti ah oo kasoo tagay dekedda Gdynia ee dalka Poland waxay soo gaadhay dekeda magaalada Verkö ee magaalada Karlskrona.
Kormeeraha Bilayska ee Xuduudaha Thomas Martinson ayaa xaqiijiyay imaatinka ilaa 90 qof oo ka cararay dagaalka Ukraine.
Qaxootigii ugu horeeyey ee Ukrain ah ayaa Jimcihii ina dhaafey soo gaarey magaalada Skona ee koonfurta Sweden , waxaana ay tiradoodu gaareysey 9 qof.
Magaalooyinka Sweden, oo ay ku jiraan Trelleborg iyo Ystad, ayaa isku diyaarinaya inay qaabilaan qaxootiga dagaalka ee Ukraine muddo gaaban gudaheed.
“Si wanaagsan ayaan u diyaarsannay, waxaana la shaqeyneynaa Hay’adda Socdaalka iyo magaalooyinka Malmö iyo Ystad,” Duqa magaalada Trelebury Frederick Scheer ayaa yiri.
Degmada Ystad ma arag wax calaamado ah oo muujinaya inay soo qulquli doonaan qaxooti badan, balse waxay sheegtay inay si wanaagsan isu diyaarinayso.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo
Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad