Home Wararka Caalamka Sweden oo Baasaboorka kala wareegtay Nin Soomaali ah oo lunsaday malaayiin dollar

Sweden oo Baasaboorka kala wareegtay Nin Soomaali ah oo lunsaday malaayiin dollar

0

Madaxii hore ee dugsiga Muslimiinta Sweden, Cabdirisaaq Waaberi ayaa lagu eedeeyay inuu malaayiin karoon Swedish ah uu musuq maasuqay , iyadoo la sheegay in lacagtaas lagu maalgaliyay ururo siyaasiyeed iyo kuwa Islaamiyiin ah oo ka jira gudaha Soomaaliya.

Cabdirisaaq wuxuu horay u ahaa xildhibaan iyo madaxii Iskuulka Muslim Römosse School ee magaalada Göteborg, waxaana lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan 13 milyan oo karoon Swedish ah oo u dhiganta 1.1 milyan ginni/$1.5 milyan oo doolar, isagoo lacagtaas u diray Soomaaliya.

Dowladda Sweden ayaa sheegtay in ninkan oo haatan lagu wado baaritaan maaliyaddeed, ay kala wareegay baasaboorkiisa, sida uu qoray wargeyska Aftonbladet.

Baaritaanno lagu sameeyay dhaq-dhaqaaqa maaliyaddeed ee Cabdirisaaq Waaberi, ayaa lagu sheegay in uu lacag caddaan ah u shubay dad kala duwan oo Soomaaliya jooga.

“Saddex iyo toban milyan oo karoon oo ahayd kaalmo degmadu ugu talagashay hawlaha dugsiga ayaa ku lumay waxyaabo kale,” sidaasi waxaa sheegay dacwad oogaha kiiskan Henric Fagher.

Cabdirisaaq Waaberi, ayaa dhowr jeer warbaahinta ka sheegay in eedeymaha loo haysto ay yihiin kuwo isaga ka dhan ah oo ay gadaal ka riixayaan dad doonaya inay la wareegaan maamulka Iskuulka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDowladda Abiy Axmed oo halis ku jirta 9 Jabhadood oo isku baheestay riditaankeeda
Next articleGermalka Hooyo Dishay Shan kamid ah Caruurteeda oo Xabsi Daa’in lagu Xukumay