Home Wararka Maanta Suxufi ka hadlay Dhacdo Xasaasi ah oo ka dhacday dalka Iran xabsi...

Suxufi ka hadlay Dhacdo Xasaasi ah oo ka dhacday dalka Iran xabsi la dhigay

0

Ciidanka Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran waxay Xabsiga u taxaabeen Saxafi soo tebiyey weerarada Sumaynta (The Poison attacks) ee lagu beegsanayo Gabdhaha Ardayda ee dhigta Dugsiyada magaalladda Qom ee Bartamaha dalkaasi.

Weriyaha la xiray oo lagu magacaabo Ali Pour-Tabatabaie ayaa ka mid ahaa dadka wax ku qora Shabakadda Wararka ee Qom News Website, waxaana aga soo xiray magaalladda Qom oo 120 KM dhanka Koonfurta kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Tehran.

Sida laga soo xigtay Warbaahinta Maxaliga, oo ay ku jirto Etemad Daily lama hayo wax Warbixin ah oo ku aadan inay Saxafiga xireen Ciiddanka Ammaanka ama kuwa Sirdoonka ee dalkaasi.

Milad Alavi oo ah Weriye Weriye ku qora Shargh waxa uu Twitter-ka Twitter-ka qoray inuu la hadlay Saxafiga la xiray Walaashiisa oo ay u xaqiijisay Xarigiisa.

Fazela Tabatabei waxay sheegtay in walaalkeeda la xiray, balse aysan iyada iyo Waalidkeeda waxba ka ogayn Dacwadda loo haysto Walaalkeeda, Ali Pourtabatabei.

Falalka lagu sumeynayo Gabdhaha Ardayda ah ayaa waxay markii u horeysay ka bilowdeen magaalladda Qom bilowgii bishii December ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Twitter-ka Saxafiga Ali Pourtabatabei waxaa la sheegay in la xayiray, kadib, markii isaga la xiray.

Qomnews oo uu ka shaqeyn jirey waxay si caadi ah u soo tebiyaan Weerarada ka dhanka ah Gabdhaha Ardayda ee dhigta Dugsiyada dalkaasi.

Saxafiga Ali Pourtabatabei ee lagu xiray Bartamaha dalka Iran waxa uu horey uga shaqayn jirey Wakaallada Wararka Tasnim News Agency oo hoos tagta Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga Iran (The Islamic Revolutionary Guard Corps’ (IRGC).

Kumanaan Gabdho Arday ah ayey waxyeelo ka soo gaartay Sumeyntaaai, iyadoo Waalidiin badan ay carruurtooda ka joojiyeen Dugsiyada cabsi la xiriirta arrintaasi.

Maalintii Sabtida ee isbuucan oo keliya waxaa Sun lagu a weeraray Tobaneeyo Dugsi oo ku yaalla Guud ahaab dalka Iran, iyadoo 44 Arday la dhigay Isbitaalka, iyadoo magaalladda Qom oo keliya 30 weerarka sunta ah la geystay 7 saacadood gudaheeda.

Ururka u dooda Xuquuqda Aadanaha ee
The Hengaw Organization for Human Rights waxay maanta oo Isniin ah soo werisay in Dugsigii u dambeeyey ee Sunta lagu weeraro ahaa Dugsiga Nisa School oo ku yaalla magaalladda Kurdishka ee Mariwan.

Qaar ka mid ah Ardayda la sameeyey waxaa lagu daaweynayaa Isbitaalka Fajr hospital.

Si kastaba, dalka Iran waxaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay lagu xiray Tobaneeyo Weriye, kuwaasi oo soo tebin jirey Dibadbaxyada ballaaran ee looga soo horjeedo Dilkii Mahsa Amini oo ku baxday gacanta Boliska Anshaxa ee dalkaasi.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Dalka Qatar kula kulmay Madaxweyne Farmaajo
Next articleCiidamada Danab oo goordhow Dib ula wareegay Degaanka Janaay Cabdalla Saakay Alshabaab Xoog Ku Qabsadeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here