Home Wararka Maanta Stanislav Rzhitsky oo toogasho lagu dilay iyo dowlada Ruushka oo ka carootay

Stanislav Rzhitsky oo toogasho lagu dilay iyo dowlada Ruushka oo ka carootay

0

Sarkaal ka tirsan militariga Ruushka oo ku jiray liiska madow ee Ukraine ayaa toogasho lagu dilay subaxnimadii saaka

Sarkaal ka tirsan ciidamada Ruushka oo ka amar qaadan jiray markabka hoostiisa mara badda madow kana soo muuqday liiska madow ee Ukraine ee lagu eedeeyay dambiilayaal dagaal ayaa waxaa toogasho ku dilay nin hubeysan oo la garaneyn.

Hay’adda ugu sareysa baarista ee Ruushka ayaa sheegtay in Stanislav Rzhitsky, oo 42 jir ah, lagu dilay aroornimadii Isniintii magaalada koonfurta ku taalla ee Krasnodar.

Cinwaanka Rzhitsky iyo tafaasiisha shaqsiyeedka ayaa ka soo muuqday website-ka Ukrain ee Myrotvorets (Peacemaker), xog uruurin aan rasmi ahayn oo la xiriirta dadka loo arko inay cadow ku yihiin Ukraine.

“Ilaa hadda booliiska Ruushku ma heli karaan hal kamarad wax ilaalin ah oo tusi doonta dambiga la galay. Baaritaanku wuu sii socdaa,” ayuu yiri Gerashchenko.

Baza, oo ah kanaalka Telegram-ka Ruushka oo xiriir la leh laamaha ammaanka, ayaa sheegay in gacan-ku-dhiigluhu uu la socon jiray dhaqdhaqaaqa Rzhitsky dilka ka hor uuna ka baxsaday goobta dilku ka dhacay.

Warbaahinta dowladda Ruushka iyo dadka wax ku qora dagaalka ayaa sheegay in Rzhitsky uu ahaa ku xigeenka madaxa abaabulka militariga ee magaalada. Wararka ayaa intaas ku daraya in sarkaalkan ay afar xabadood kaga dhaceen dhabarka iyo laabta, isla markaana uu isla goobta ku dhintay.

Kanaalka Telegram-ka ee ay adeegsadaan xisbiyada iskood isku magacaabay ee taageersan Ukraine kuwaasoo sheegtay boqollaal weerarro wax-yeelo ah oo ka dhacay gudaha Ruushka ayaa sheegay in Rzhitsky looga shakisan yahay ku lug lahaanshaha gantaallada badda hoosteeda mara ee July 2022 oo ay ku dhinteen ugu yaraan 23 qof oo ay ku jirto gabar 4-sano jir ah oo ku nool magaalada Ukraine ku taalla ee Vinnytsia.

Ugu yaraan laba qof oo kale oo Ruush ah oo taageersan dagaalka ayaa lagu dilay gudaha Ruushka tan iyo markii Moscow ay soo gashay Ukraine ku dhawaad 17 bilood ka hor. Weerarro bambaano ayaa lagu dilay weriye Darya Dugina bishii Agoosto ee la soo dhaafay iyo Vladlen Tatarsky oo wax ku qori jiray dagaalka bishii April.

Ruushka ayaa ku eedeeyay Ukraine weerarradaas, halka Kyiv ay beenisay inay ku lug leedahay.

Ad
Previous articleShirkii Isimada Puntland oo Fashilmay iyo Cumar Cabdirashid oo Ka Hadlay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Shirka Beri ka Furmaaya Muqdisho iyo Villa Soomaaliya oo War kasoo saartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here