Home Wararka Maanta SSC oo Raaligin Siisay Dowlada Federalka Soomaaliya Xili ay Dhawaan eedo Culus...

SSC oo Raaligin Siisay Dowlada Federalka Soomaaliya Xili ay Dhawaan eedo Culus soo jeediyeen

0

Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo oo maanta shir ku yeeshay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa raali-gelin siiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Isimida dhaqanka SSC ayaa dowladda federaalka ka raali-galiyey hadalkii uu hoggaankooda dhawaan u jeediyay ee ahaa in uu raali ka yahay maamulka Xamar duqeynta magaalada Laascaanood ay ka wado Somaliland.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale dowladda federaalka looga codsaday in aanay simin SSC iyo kuwa dalka kala goynaya, sida la fahmi karo loola jeedo Somaliland, oo ay si weyn isku hayaan.

“Waxaan uga mahad-celinaynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay ugu soo gurmadeen dhaawacyadii iyo dadkii ka barakacay magaalada Laascaanood iyo taageeradooda kaleba,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxay madaxda sare ee dowladda federaalka ka codsadeen in ay sugto xuquuqda dadka iyo deegaanada SSC-Khaatumo ee ay masuulka ka tahay, soona dadajiso wixii ay xaq ugu lahaayeen dowladda.

“Waxaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka Muqdisho uga mahad-celineynaa soo dhaweyntii diiraneyd ee ay y sameeyeen isimid SSC-Khaatumo markii ay booqashada ku tageen Muqdisho.”

Ugu dambeyntiina waxa uu hoggaanka SSC ka dalbaday beesha caalamka in caawimo deg deg ah ay la soo gaaraan dadka laga barakiciyay deegaanada SSC, kuna dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dhawaan ayay aheyd markii Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood.

Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaadka.

Garaadka Guud ee SSC ayaa sidoo kale xilligaas waxa uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya usoo jeediyay in mooshin deg deg ah uu ka keeno madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, raali-gelinta uu maanta hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo uu siiyay dowladda federaalka ayaa meesha ka saareysa eedeymihii hore iyo soo jeedintii BF ee ka dhanka aheyd madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleMadaxweyne Laftagareen oo Alshaabka Raxanwaynta ah Si Xun u weeraray
Next articlePuntland oo eedayn layaab leh Ujeedisay Dowlada Federalka Soomaliya