Xoogaga SSC ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen taliyihii ciidanka Somaliland ee gobolka Sool Faysal Cabdi Bootaan.
Taliyaha ayaa laga soo qabtay inta u dhexeysa degaanada Oog iyo Guumeys ee gobolka Sool, xili uu isku dayey inuu u baxsado dhinaca Magaalada Burco sida ay wararku sheegayaan.
Ciidan ka tirsan SSC oo ka War helay goobta uu joogo taliyaha ayaa la sheegay iney weerareen ka dibna nolol ku soo qabteen.
Faysal Cabdi Bootaan ayaa ahaa taliyihii ciidanka Somaliland ee joogay taliska Goojacadde oo saaka ay dagaal ku qabsadeen xoogaga SSC.
Sidoo kale, ciidamada Somaliland oo maanta khasaare xoogan uu soo gaaray ayaa waxaa laga qabsaday gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah, taangiyo, madaafiicda goobta, saanad milateri iyo maxaabiis, sidoo kale askar kale ayaa looga dilay dagaalka.
Saldhiga Goojacadde ayaa ahaa fariisinkii ugu weynaa ciidamada Somaliland ee laga abaabulayey dagaalada iyo duqeymaha ka socday Laascaanood bilihii la soo dhaafay, in la qabsadana waxay dharbaaxo xanuun badan ku tahay Maamulka Muuse Biixi oo ilaa hadda aan ka hadlin waxa saaka dhacay.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin looga bixiyay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Sabiid iyo Caanoole oo lagu bartilmaamaysaday horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinkii ugu horreeyay ee qof iyo cod ee golayaasha deegaanka la qaban doono bisha Juun ee soo socota. Guddoomiyaha
Taliska Militariga Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku faah faahiyay magacyada horjoogayaal iyo nabadoono ka tirsan Al shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday bartamaha Soomaaliya. Ciidanka Xoogga Dalka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee
Ad