Home Wararka Maanta Soomaaliya iyo Mareykanka oo Arrimo Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Soomaaliya iyo Mareykanka oo Arrimo Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Salah Jama, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, Larry Andre.

Kulanka dhax maray ku-simaha Ra’isul Wasaaraha iyo Safriirka Mareykanka ayey uga wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey kaalmada Mareykanku uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrimaha bani’aadamtinimada oo xiligan kamid ah kuwa ugu mudan ee u baahan in wax laga qabto.

Danjiraha Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, Larry Andre, ayaa dhankiisa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinaca gargaarka iyo amniga ayna mar walbo garab taagan yihiin dowladda.

 

Ad