Home Wararka Maanta Soomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis amni + Sawirro

Soomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis amni + Sawirro

0

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo gaaray magaalada caasimada ah ee Addis Ababa ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa waddanka Ethiopia General Damelesh Garbamichel.

Labada taliye ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan amniga Soomaaliya iyo Ethiopia, maadaama ay yihiin daris, ayna isaga xiran yihiin dano badan.

General Xijaar iyo General Garbamichel ayaa ku heshiiyey inay yeeshaan iskaashi dhanka amniga ah iyo sare u qaadista tababarada aqoonta Booliska labada waddan.

Sidoo kale waxay isku raaceen labada dhinac in hadda kadib ay wadaagaan xogaha kala duwan ee la xariira shaqada ciidanka Booliska ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Heshiiskan ayaa la filayaa in loo sii gudbiyo madaxda sare ee labada dal, si loogu war-geliyo, loogana wada shaqeeya dhaqan-galkiisa.

Dowlada Ethiopia ayaa haatan xiriir wanaagsan laleh Soomaaliya kaasoo sii xoogeysanayaa sanadihii dambe, waxayna labada dal sameeyeen isu soo dhawaasho iyo isbeddal ballaaran

Dhowaan ayey aheyd markii taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad oo isna booqday Addis Ababa uu heshiis lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Ethiopia, waxaana sidoo kale isna dalkaas tegay wasiirka Difaaca XFS, Cabduqaadir Maxamuud Nuur oo la soo kulmay dhiggiisa oo ay kasoo wada-hadleen arrimaha ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Ethiopia ayaa qayb ka ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo kamid ah ATMIS.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleGolaha Aqalka Sare oo kulan yelanaaya maanta ugana doodaya laba qodob oo Muhiim ah
Next articleMataane Isku Dheggan Oo Cabasho Ka Keenay Mushaarka Hal Qof Oo Ay Qaataan