Home Wararka Maanta Soomaaliland oo war kasoo Saartay Dagaalka Tan iyo Shalay kasocda laasacaanood

Soomaaliland oo war kasoo Saartay Dagaalka Tan iyo Shalay kasocda laasacaanood

0

Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa cambaareysay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Laascaanood, gaar ahaan aagagga Maraaga iyo Xargaga.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhiga, ayaa lagu sheegay in waddamada gobolka Bariga Africa iyo beesha caalamka ay ku war gelinayaan, in ciidamada Somaliland lagu soo qaaday weerar, weerarkaas oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland iyo maleeshiyooyin ka dagaalama Laascaanood.

Waxaa ay wasaaraddu sheegtay in ciidamada Somaliland ay iska caabiyeen ciidankii weerarka ku sooqaaday. Dhanka kale, waxay Puntland ku eedeeysay inay ka shaqeyneyso xasilooni darada Laascaanood, iyadoo danaheeda gaarka ah ka dhex raadineyso.

Warqadda waxaa intaas la raaciyay, in Somaliland ay si adag u cambaareyneyso falkaas, isla markaana ay garab istaag u muujinayso ciidankeeda oo ay sheegeen inay ilaalinayaan dhulkooda.

Ad
Previous articleMadixii Difaaca Alshabaab ee Ceelbuur iyo Askar kale oo Gacanta Lagu Dhigay
Next articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay in Dakada Garacad Tahay Hanti Dowladeed oo Puntland kaligeed lahayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here