Home Wararka Maanta Soomaaliland oo Sheeegtay in Dagaalka looga saaray Laasacanood ay ka Qayb galeen...

Soomaaliland oo Sheeegtay in Dagaalka looga saaray Laasacanood ay ka Qayb galeen Saraakiil iyo Taliyaal ka Tirsan CXD

0

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 23-aad oo xiriir ah ayaa haatan sii xoogeystay, wuxuuna ku fiday goobo horleh oo ka baxsan magaaladaasi, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo dhanka galbeedka magaalada Laascaanood, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland oo looga hadlay dagaalka Laascaanood ayaa waxaa lagu sheegay in haatan ay ku soo biireen taliyeyaal ciidan oo ka yimid magaalada Muqdisho, sidoo kalena dagaalka ay qayb yihiin ka yihiin kooxo nabadiid ah iyo argagixiso.

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dharbaaxo kulul ay ku dhufatay ciidanka huwanta oo ay tilmaamtay inay weerar kusoo qaadeen fariisama ciidamadooda ee ku yaalla galbeedka.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Somaliland.

Halkan joose ka aqriso:-

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan.

Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleDhaqaalaha Sweden oo hoos u dhacay aadna uga xun sidii hore
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Soobe Ku Dilay Mahdi Diiriye Aadan Xili Amniga Muqdisho Faraha Ka Baxay