Home Wararka Maanta Soomaaliland oo Shaacisay Sabab kaa Yaabinaysay oo Soomaaliland Sheegtay inay Xabsiga U...

Soomaaliland oo Shaacisay Sabab kaa Yaabinaysay oo Soomaaliland Sheegtay inay Xabsiga U dhigtay Ugbaad Aragsan

0

Somaliland ayaa war rasmi ah kasoo saartay xarigga fanaanadda caanka ah Ugbad Aragsan oo ay xalay xabsiga Hargeysa ay u taxaabeen ciidamada Booliska ee maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa waxaa looga hadlay xarigga fanaanadda, waxaana Somaliland ay u jeedisay eedeymo yaab leh.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in Ugbaad Aragsan loo xiray faafinta dhaqan xumo ay ku haysay baraha bulshada ee Internetka, kuwaas oo ka horjeedo Diinta Islaamka, sida lagu sheetay qoraalka.

“Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi , taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqankeenna wanaagsan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in fanaanada lagu sameyn doono baaris dheeraad ah, kadibna la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

“Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta , dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay eedaysanta gacanta kusoo dhigeen , waxaanay wadaan baadhid-dheeraada marka ay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa sharciga” ayaa lasii raaciyay warka qoraalka.

Dhinaca kale hadal hayn xoogan ayaa ka dhalatay xariga Ugbaad Aragsan, dadka qaar ayaa soo dhaweeyay halka, kuwa kalena ay kasoo horjeesteen.

Maxamuud Cali “Waa shaqo wacan, balse waxay ahayd ciqaab intaa ka badan in lagu xukumo si ay mar dabe u dhicin”.

Sabaad Caamir ayaa isuguna yiri “Sharaftii ciidanka ayaa lagu ciyaaray”.

Saciid Jaamac “Waan idinku bogadinena shaqad wacan ee ad qabate”.

Si kastaba, xariga fanaanadan ayaa waxaa sii xoojiyay hadal heynta ka dhalatay dhaq dhaqaaq ay sameyneyay mudooyinkii lasoo dhaafay, waxay baahisay muuqaalo ay ku amaaneyso Muqdisho, sidoo kale waxa ay tegtay Garoowe, ayada oo ka qayb gashay caleema saarkii madaxweyne Saciid Deni.

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Wariye Xuseen Cabdulle oo Muqdisho lagu Xiray
Next articleKhaatuma oo Ka Carootay Casuumaadii Xasan Xalay uu ka Reebay