Home Wararka Maanta Khaatuma oo Ka Carootay Casuumaadii Xasan Xalay uu ka Reebay

Khaatuma oo Ka Carootay Casuumaadii Xasan Xalay uu ka Reebay

0

Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka carooday sababta looga reebay shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu marti qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatuma oo qoraal kooban soo saaray ayaa su’aal ka keenay sababta maamulkooda looga tegay, wuxuuna sheegay in taasi ay muujineyso in weli aan la aqoonsan SSC-Khaatumo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in danahooda lagu xirayo Somaliland oo weli maqan, sida uu hadalka u dhigay.

“In nala aqoonsadaa moodaayay, tolow ma Somaliland baa geed ugu xidhanahay oo lanala sugayaa?#8221; ayuu yiri Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale.

Dhinaca kale waxaa isla arrintan ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaalaha baraha bulshada oo siyaabo kala duwan uga hadlay sababta looga tegay SSC-Khaatumo.

Maxamed Aar oo kamid ah dadkaas ayaa yiri “Maamul si sharci ah u jira baa maamul lagu sheegi karaa, lkn jufo kastaa hadday maamul sheegato waa wareer”.

Faysal Caaqil ” SSC iyo Puntland waa inay shir qabsadaan kadibna midoobaan, mamullada kale iyaga ka saamayn badnaan doona”.

Maxamed Jaamac “Laascoonood waa Somaliand, haddii la waasho iyo haddii la dagaalamo wax suuragal ahayn yaan lagu daalin”.

Marka laga tego carada SSC ee shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan, waxaana iyadana iska diiday Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Ad
Previous articleSoomaaliland oo Shaacisay Sabab kaa Yaabinaysay oo Soomaaliland Sheegtay inay Xabsiga U dhigtay Ugbaad Aragsan
Next articlePuntland oo Talaabo layaableh Ka Qaaday Xildhibaanada Federalka Ee puntland laga soo Doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here