Mid kamid ah saldhigyadii ciidan ee uu kusugnaa taliyaha ciidanka Somaliland ee gobalka Sool Jen, Mahad Cambaashe oo kasoo jeeday gobalka SSC, ayaa ka baxay gacantiisa, sidaas oo kale baabuurta Gaashaaman ee dagaalka ayaa looga qabsaday xeradan oo uu Ku jiro Taangiyo iyo Gaadiid kale.
Saacad ka hor, Somaliland ayaa sheegtay in ciidankeeda la weeraray, ayna iska difaaceen kooxo ay ugu yeertay Argagixiso nabad diid aragtideeda kasoo horjeeda.
Xerada Guul-wadayaasha, ayaa ahaa bartilmaameedka ugu xoogan ee ay dadka deegaanka doonayeen in ay qabsadaan, halkaas oo ay yaalaan hub xoogan oo ay Somaliland keentay maalmihii lasoo dhaafay.
Ad