Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland oo Gaashaanka U Daruurtay Damicii Abiya Axmed Ee Bada Soomaaliya

Soomaaliland oo Gaashaanka U Daruurtay Damicii Abiya Axmed Ee Bada Soomaaliya

0

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixisay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Itoobiya ee ku aadan inay rabto dekedda Saylac.

Somaliland ayaa meel adag iska taagtay damaca Itoobiya ee dekedda Saylac, iyada oo sheegtay in Itoobiya ay rabto dhul badeed ay qaadato, marka loo fiiriyo hadalkii Abiy, sidaas darteedna aysan u hayn bad.

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo arrintaan ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in tan kaliya ee Somaliland aqbaleyso ay tahay maalgashi la isla ogyahay, oo wadadiisa loo soo maro, inkasta oo uu ka dhawaajiyay in damaca Itoobiya uu ka gedisan midkaasi.

“Deked waa la maalgashan karaan, dekedda Berbera dad ayaa nala maalgashaday. Marka deked lagula maalgashanayo shuruuc ayay leedahay oo heshiis ayaa la galaa” ayuu yiri Wasiir Saajin.

“Somaliland in deked nala maalgashado waxba kama qabto, ee mid ayaa meesha taalla oo aad weli fahmi la’dihiin oo dadka kale fahmeen, waxa weeyi deked la wada maalgashado kama hadleyso Itoobiya ee waxay ka hadleysa dhul la siiyo oo iyadu deked ka sameysato, dhulna la isku siiyo noocaas.”

Wasiir Saajin ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in Itoobiya ay hore uga baxday heshiiskii dekedda Berbera oo ay saami ku laheyd, islamarkaana ay hadda u hayn dhul ay siiyaan.

“Berbera waa loo bandhigay Itoobiya haddii maalgashi inay gashato rabto, haddii Saylac noqoto waxaa la isla maalgashada wax la isla ogyahay oo dowladda jirta ayaa heshiis lala gala, laakiin Itoobiya dhul ayay rabtaa, maalgashi waa laga heshiiya ee dhul la isma siiyo.”

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay diyaar u tahay in wax lala maalgashado, balse ay muhiimaddu tahay in arrintu noqoto mid la’isla ogol yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa toddobaadkii hore ka digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka October 13, ayaa Abiy uu ku sheegay in Itoobiya ay “xuquuq dabiici ah” u leedahay inay si toos ah marin ugu hesho Badda Cas, haddii la diidana “aysan dhex-dhxaadnimo iyo caddaalad jiri doonin, haddii caddaalad aysan jirinna uu waqti un naga xigo in aan dagaalanno.”

Waxa uu soo jeediyay in dowladdiisu ay saami ka bixineyso biyo xireenkeeda Grand Renaissance ee Itoobiya, si ay saamiyo la mid ah uga hesho dekedaha dalalka deriska ah.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna horay u diiday dalabka Itoobiya ee aadan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas.

Ad
Previous articleDeni oo Weerar ku Qaaday Shirkii Golaha Wadatashi Qaran ee Puntland ka Maqnayd
Next articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Magacaabay Wasiiro Cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here