Home Wararka Maanta Soomaaliland oo edayn u jeedisay Dowlada Federaalka Soomaaliya

Soomaaliland oo edayn u jeedisay Dowlada Federaalka Soomaaliya

0

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka biyo diiday tirada sannadka laga siiyay dadka tegaya Xajka.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, 350 qof ayaa Somaliland laga siiyay tirada dadka sannadka tegaya Xajka, taasoo ay saluug ka muujiyeen.

Xukuumadda Somaliland ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ayaa ku eedaysay dawladda Soomaaliya in aanay si caddaalad ah u qaybin tirada la siiyay Soomaaliya iyo Somaliland oo dhan 5,206 (shan kun laba boqol iyo lix Xaaji) Boqolkiiba 40% ayay doonaysay Somaliland in la siiyo.

Si kastaba, Dawladda Sacuudiga ayay Somaliland u gudbisay cabashadeeda sida Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland uu sheegay, lama oga waxa iska bedeli doona go’aankan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyey inay siyaasadaysay arrimihii Xajka ee sannadkan, kadib markii dawladda Sucuudigu u qoondaysay Somaliland iyo Soomaaliya inay sannadkan ka xajaan 5206 Xaaji, balse dawladda Soomaaliya qoondadaasi siyaasadaysay isla markaana ay ku takri faleen qoondadii Sucuudigu ay Somaliland ugu talo galeen una helaysay 2082 Xaaji balse Soomaaliya sheegtay inay Soomaaliland ka xajayaan 350 Xaaji, taasi oo Wasiirku ku tilmaamay mid aan la aqbali karayn.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articlePuntland oo Edeyn uu jeedisay Dowlada Federalka Soomaaliya
Next articleXildhibaan ka Tirsan Galmudug oo loo Magacaabay Gudoomiye Degmo