Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland oo Ciidamo Farabadan Soo Dhoobtay degmada Yeyle

Soomaaliland oo Ciidamo Farabadan Soo Dhoobtay degmada Yeyle

0

Wararka ka imaanaya degmada Yeyle oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaliland ciidamo soo dhoobtay duleedka degmadaasi.

Ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiya-beeleedyo ayaa sida la sheegayo saldhig ciidan ka samaystay degaanka Buq-dharkayn oo hoos yimaada degmada Yeyle.

Dadka degaanka ayaa ku soo warramaya in durba dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul laga dareemayo tuulada Buq-dharkayn, oo ay saldhig ka samaysteen ciidamada Somaliland.

Taliska Somaliland ayaa sidoo kale weli sii wada abaabulkii dagaal ee ka socday dhinaca degmada Oog, halkaas oo ay ku diyaarinayaan maleeshiyaad hubaysan si ay weerar rogaal-celis ah ugu qaadaan ciidamada SSC.

Dhinaca kale, ciidamada SSC-Khaatumo ayaa iyagana ku sugan deegaanka Guumeys oo ilaa 10 km u jira degankaa Oog ee gobolka Sool, waxayna wararku sheegayaan inay u diyaarsan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen abaabulka dagaal  ee ay wadaan ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.

25-ka bishii Agoosto ayaa ciidamada Somaliland khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu soo gaarsiiyay weerar ka dhacay saldhigyadii ay ku lahaayeen Gooja Cadde iyo Maraaga, kuwaas oo laga qabsaday.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa toddobaadkii hore sheegay in ay ka aar-gudan doonaan xoogagga SSC-Khaatumo ee ciidamada Somaliland ku jebiyay dagaalkii Laascaanood.
Ad
Previous articleMaraykanka oo Shaaciyay Duqayn Shacab lagu laayay oo Dowlada Soomaaliya Qarisay oo Galmudug ka Dhacday
Next articleCali Guudlaawe oo Mushaarkii ka Jartay Xildhibaanada Beesha Xawaadle ee maamulkiisa ka Tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here