Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay dil kale oo loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed uu ka dhacay gudaha magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii oo ay ku badan yihiin Soomaalida ku dhaqan dalkaasi.
Marxuumka la dilay oo 25 sano jir ah ayaa kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan oo baxsaday.
Mid kamid ah Soomaalida ku sugan Nairobi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda dilka gaysatay ay burcad ahayd, isla markaana ay taleefanka ka qaateen marxuumka.
“Xalay muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu khaarijiyay xaafadda Isliil, dilkiisana waxaa ka dambeeyay koox hubeysan oo lagu sheegay tuugo waxayna ka qaateen taleefan” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Xabadda waxaa looga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa, nafna dhulka lama dhicin”.
Goobjoogaha oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in dhacdooyinka dilalka ah ee kusii badanaya Nairobi ay walaac xoogan ku reebeen Soomaalida oo ay lasoo daristay cabsi.
“Arrintan waxay walaac ku abuurtay Soomaalida ku dhaqan Nairobi, iyada oo aad la socotid in dhowaan 4 dumar ah lagu dilay gudaha xaafadda Islii” ayuu mar kale yiri goobjooguhu.
Dhowaan ayaa Nairobi waxaa si arxan darro ah loogu dilay hooyo iyo labadeeda gabar, waxaana ka horreeyay gabar kale oo maydkeeda la jarjaray, waxaana loo soo qabtay eedeysane oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Haashin, kaas oo lagu hayo baaritaanno.
Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula
War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu