Home Wararka Maanta Soomaali ka gadoodsan go’aan laga gaaray kiiska Hodan Xaashi oo lagu dilay...

Soomaali ka gadoodsan go’aan laga gaaray kiiska Hodan Xaashi oo lagu dilay Canada

0

Isu soo baxyo caddaalad looggu raadinayo gabar lagu dilay dalka Canada ayaa ka socda magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalkaasi, kaddib markii dib loo dhigay xukunka haweeney lagu eedeeyay dilka gabadhan.

Hodan Xaashi, ayaa billowgii bishii November ee sanadkii hore lagu dilay magaalada Saskatoon ee gobolka Saskatchewan.

Paige Theriault-Fisher, oo 22 jir ah, ayaa lala xiriiriyay dilka Hodan oo 23 jir ahayd.

Paige ayaa xukunka kadib lagu sii daayay damaanad $5,000 oo lacagta Canada ah.

Qoraal ka soo baxay qoyska Hodan oo laga hor akhriyay dibadbaxayaasha ayaa lagu sheegay in “go’aanka dacwad-oogayaasha uu yahay mid laga naxo”.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay guriga dowladda hoose, kahor inta aysan socod ku marin bartamaha magaalada ilaa goobtii lagu dilay, iyagoo codsanaya in caddaaladda la horkeeno gabadha lagu eedeeyay dilka Hodan.

Dacwad-oogayaasha ayaa haatan go’aan ku gaaray in dagaalka labada gabdhood uu ahaa mid labo dhinac ah.

Qoyska Hodan ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn go’aanka:

Fartuun Xaashi oo la dhalatay Hoan, ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka waxay ku tiri, “Waxaan dareemayaa murugo, caro iyo xanaaq. Qoyskeygu iyo aniga waxaan hadda helnay warka dacwad-oogaha gobolka (Val Adamko) oo ah inay go’aansatay inay meesha ka saarto eedeymaha ka dhanka ah Paige. Walaashey weligeed caddaalad ma heli doonto. Ka warran haddii doorka lakala beddelo?”

Canab Cabdullaahi Xirsi, oo ah hooyada Hodan oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in go’aankan uu yahay mid ay iska gaareen dacwad-oogayaasha Canada, oo iyaguna aysan ku qanacsaneyn: “Go’aannada ay maxkamaddu soo jeedisay iyo qareennada labada dhinacba waa go’aan ay iyagu iska gaareen. Go’aan si caddaalad ah loo qaaday ma aha.

“Wixii adduun weynuhu ujeeday iyo wixii meesha ka dhacay waxay ka soo qaadeen kama’. Ka waalid ahaan, iyo bulsho ahaan raalli kama ihi. Caddaalad-darro ayaan ka tirsanayaa Canada.

Mudaharaadkaan maahan mid ku kooban Soomaalida. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah dibad baxyadan dadka Muslimiinta ah, iyo dadka madowga ee reer Canada, waxayna Canab sheegtay inay sii socon doonaan oo aysan ka aamusi doonin kiiskan.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Paige Theriault-Fisher, oo 22 jir ah, ayaa lala xiriiriyay dilka Hodan oo 23 jir ahayd kaddib markii sida la sheegay uu dagaal gacan ka hadal ah ku dhex maray baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Saskatoon 5-tii November, 2022.

Qof waddada marayay ayaa xilligaasi duubay muuqaalka dagaalka, kaasoo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

Dacwad-oogayaasha ayaa haatan go’aan ku gaaray in dagaalka labada gabdhood uu ahaa mid labo dhinac ah, isla markaana uusan jirin hub la isku adeegsaday, sidaa darteedna dhimashada Hodan ay ahayd mid shil ah.

Tuma ayay ahayd Hodan Xaashi?

Hodan Cismaan Xaashi oo ahayd 23 jir ku dhalatay dalka Canada, waxay ahayd qof uu sugayay mustaqbal ifaya, sida ay sheegeen qoyskeeda.

Dugsiga sare ayay kaga baxday magaalada Saskatoon, iyadoo sanadkan ay ahayd inay jaamacad billowdo.

Hodan waxay la dhalatay siddeed carruur ah. Hooyadeed Canab Xirsi ayaa BBC-da u sheegtay in gabadheeda ay ahayd qof nadiif ah oo dalka ka gelin wax dembi ah.

“Qof wanaagsan oo dabeecad fiican ayay ahayd, oo walaalaheed iyo dadkeeda u dabeecad wanaagsan ayay ahayd, waxay ahayd qof aan dagaal aqoon, habeenkaas ayay nolosheeda ku soo gabagabowday.” Ayay tiri Canab.

Ad
Previous articleweerarar lagu Qaaday Madaxtoyada Ruushka & Putin oo dil ka badbaaday(Sawiro)
Next articleDowlada Soomaaliya oo Canshuur Kordhin Samaysay iyo Falcelin Xoogan oo ka Dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here