Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan toddoba qof oo Soomaali xoolo dhaqata ah lagu laayay deegaan la yirahdo hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash ee mara deegaanka Canfarta halka dhawr kalena lagu dhaawacay.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka soo jeeda qowmiyadda Canfarta ay weerar ku qaadeen xoolo dhaqato Soomalai ah oo u arooray wabiga, halkaa oo sidoo kale la sheegay in lagu qaaday xoolo gaaraya ilaa afar kun oo neef.
Weerarkan ayaa imaanaya maalmo xilli usbuucyadii la soo dhaafay ay socdeen deldaallo lagu dhex-dhexaadinayo colaadda labadani qowmiyadood ee dirirtoodu soo jiitameysa in muddo ah.
Weriye Ismaaciil Buurgaabo ayaa ka warramaya sida ay wax u dhaceen iyo sida ay haatan xaaladdu tahay.
Ad