Home Wararka Maanta Soo-saarihii filimka Titanic oo geeriyooday

Soo-saarihii filimka Titanic oo geeriyooday

0

Waxaa geeriyooday Jon Landau oo ahaa soo saare filimaan badan oo ay kamid yihiin Titanic iyo Avatar, waxa uuna horay ugu guuleystay abaal-marinta Oscar-ka, isagoona soo saaray qaar kamid ah filimaanta lacaga ugu badan soo xareeyay abid, ninkaan ayaana ku geeriyooday isagoo 63-jir ah.

Landau ayaa geeriyooday jimcihii waxa uuna muddo sanad ka badan la noolaa karsan.

Tina oo ah walaashiis ayaa baraheeda bulshada ku xaqiijisay geeridiisa waxa ayna xustay in uu ahaa walaal wanaagsan.

Landau waxa uu ahaa wiil ay dhaleen soo saarayaasha Hollywood-ka Ely iyo Edie Landau wuxuuna in muddo ah maamule ka ahaa shirkadda filimada soo saarta ee 20th Century Fox, isaga oo kormeeray filimada ay ka mid yihiin The Last Of The Mohicans iyo Die Hard 2.

Ka sokow Cameron, wuxuu gacan ka geystay abuurista 1997-kii Titanic, kaas oo ahaa filimkii ugu horreeyay ee soo xareeya lacag kor u dhaafta $ 1bn.

Dhanka kale filimadiisii danbe oo ay kamid ahaayeen taxanaha Avatar iyo The Way of Water, ee la sii daayay sanadihii 2009 ilaa 2022 ayaa Iyana ku sii socday in ay jabiyaan rikoorka Titanic.

Geerida soo saarahaan waxaa ka hadlay shirkadaha aflaanta iyo qaar kamid ah jilayaasha ugu caansan iyaga oo ku tilmaamay in masraxa filimada uu ka baxay qof qiimo ku lahaa.

Ad
Previous articleBeelaha Sacad iyo Laylkase Heshiis Hordhac ah Gaaray Kadib dagaalo Faraha Looga Gubtay
Next articleMadaxweynaha Turkiga oo ugu Danbayn marti qaad u fidiyay dhiggiisa Suuriya