Maamulka Somaliland ayaa muujiyey inuu aad uga caroodey hadalkii uu MW Somalia ku taageeray qaddiyadda Laascaanood oo dagaal kula jirta Somaliland oo halkaa ka talinaysey tan iyo 2007-dii.
Faallo laga baahiyey hilinka ku hadka afka Xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in arrintani ay caqabad ku noqonayso wada hadalladii DF Somalia iyo Somaliland.
Waxay sheegeen in MW Xasan Sheekh uu taageeray wax ay ku sheegeen “argagixiso kusoo duushey Somaliland”.
Waxay kaloo faalladu intaa raacisay in Madaxda DF Somalia ay aalaaba caddaystaan falal lid ku ah jiritaanka Somaliland, sida ay u dhigeen.
Ad