Home Wararka Somaliya Somaliland Somaliland: ‘Soomaaliya iyada ayaa soo afjartay rajadii ugu dambeysay ee ay isku...

Somaliland: ‘Soomaaliya iyada ayaa soo afjartay rajadii ugu dambeysay ee ay isku maaweelin jireen’

0

Somaliland ayaa war kasoo saartay meelmarinta waxkabaddalka dastuurka Soomaaliya oo xildhibanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ay shalay oo sabti ah ansixiyeen afar cutub oo waxkabaddal lagu sameeyay.

Wasiirka warfaafinta ee jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday, Cali Xasan Moxamed (Mareexaan) oo waraysi siiyey BBC ayaa sheegay in aysan waxba iyaga ka qusseyn waxkabaddalka Dastuurka ee ay baarlamaanka Soomaaliya sameeyeen isla markaana uu yahay “qodobkii ugu dambeeyay ee ay ku doodi jireen”.

Wasiir Cali ayaa sheegay in Somaliland ay dastuur iyada u gaar ah leedahay, kaas oo loo codeeyay sannadkii 2001 dii.

“Marka waa shaqo ay iyagu ay qabsadeen oo iyaga u taalla wax ka quseeyana ma jiraan Somaliland iyaguna way ogyihiin” ayuu BBC da u shaagay wasiir Cali.

Dadka dhaleecaynayey waxkabaddalka dastuurka oo ay ku jiraan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa cuskanayey qodobba doodeed ay ka mid yihiin in uu wax u dhimi karo wadahadalkii Somaliland iyo u Dawladda federaalka Soomaaliya u dhaxeeya.

Wasiir Cali ayaa u muuqda in uu taas ka marag kacayo isaga oo yiri: “Waxaa kaliyoo xusid mudan in barigii hore ay odhan jireen oo ay isku maaweelin jireen, ‘dastuurka la ansixin mayo inta Somaliland meel wax la isla dhigayo’ taana way soo afjareen,”.

Dhanka kale, in ay jiraan xildhibaanno reer Somaliland ah oo baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyaga ku matala ayuu wasiir cali ku tilmaamay “iskayeelyeel ah” wuxuuna yiri: “Qof ka qoran halkan in uu dembi ka galay oo xilka markuu ka dhamaadana ay tahay in uu cafis weydiisto siduu dal u matalayaa?” isaga oo ula jeeda xildhibaanada kasoo jeeda woqooyiga ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Nuxurka hadalka wasiirka ayaa ahaa in ay Soomaaliya iyadu soo afjartay rajadii ugu dambeysay oo sida uu shegay ahayd ‘dastuurka la ansixin maayo inta Somaliland meel wax la isla dhigayo’.

Hay’adaha kala duwan ee dawladda fedaraalka Soomaaliya ee ay arrintani khusayso oo aan isku danay in aan la xidhiidhno si aan wax uga weydiinno warka ka soo yeeray Somaliland aanay noo suuragalin inaan helno.

Puntland ayaa iyaduna soo saartay warqad ay ku sheegayso in ay xiriirka u jartay Dawladda Fedaraalka Soomaaliya, ansixinta dastuurka awgeed.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Caawa Qaaday Talaabo cusub kadib Guushii Shalay uu Gaaray
Next articleQaramada Midoobay oo La Safatay Puntland Balnqaadna usamaysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here