Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay keensatay Eeyo la hawlageli doona ciidamada ammaanka, sida lagu xusay barta hay’adda sirdoonka ee Somaliland, waxay hay’addu sheegtay in Eeyahaani ka shaqayn doonaan kooxaha qabta noocyada kala duwan ee waxyaabaha qarxa.
Waxaa kale oo barta sirdoonka Somaliland lagu qoray in taliyaha sirdoonka Somaliland Mustafe Maxamed Xasan uu “salaan Sharaf ka qaatay askar ka tirsan NIA oo ay wehliyaan Eeyo tababaran oo laga soo dejiyey garoonka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa.
Eeyahaan oo seddax xabo ah ayaa hordhac u ah cutub eeyo ah oo ay yeelan doonto NIA, Somaliland ayaa soo bandhigtay sawirrada askarta eeyahaas ku shaqaynaysa, kuwaas oo laga keenay dalka Mareykanka.
Askarta lasoo bandhigay waxaa u xiraa wajiyada, lamana sheegin nooca iyo da’da eeyaha, waxayse aad ugu eg yihiin nooca loo yaqaano Belgian Malinois.
Noocas loo yaqaano Belgian Malinois ayaa aad loogu xasuustaa inuu ahaa kii qabtay hogaamiyihii Daacish ka hor intii uusan is qarxin, kadib markii lagu sii daayey godkii uu ku cararay Abu bakar Al Baqdaadi.