Home Wararka Maanta Somaliland oo ka hadashay Cabdinaasir Muuse oo meydkiisa laga helay guri uu...

Somaliland oo ka hadashay Cabdinaasir Muuse oo meydkiisa laga helay guri uu ka degganaa Muqdisho

0

Xilli warar kala duwan ka soo baxayaan nin ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya oo meydkiisa laga helay guri uu ka degganaa Muqdish ayaa Somaliland waxaa ay ka soo saartay arrin war kooban.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa sheegay in ay go’aan ku gaareen in si deg deg ah qiimeyn loogu sameyn doono shaqaalaha ka soo jeeda Somaliland ee horrey uga shaqeyn jiray arrimaha hawada isla markaana hadda la shaqeeya dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Warkan kooban ayaa lagu baahiyay barta Facebook ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland.

Ad
Previous articleAgaasimihii Meydkiisa laga Helay Gurigiisa oo War laga Soo Saaray
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Gabar 13 sano jir ah oo lagu hor kufsaday hooyadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here