Home Wararka Maanta Somaliland oo dagaalka Laascaanood ka socda ku eedaysay madaxweyne Farmaajo

Somaliland oo dagaalka Laascaanood ka socda ku eedaysay madaxweyne Farmaajo

0

Somaliland ayaa markii u horraysay ku eedaysay ka qayb ahaanshaha dagaalka socda Laascaanood madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Sida uu barta Twitter-ka ku sheegay wasiirka gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa soo qoray in dagaalkan ay qayb ka yihiin ciidammo lagu soo tababaray dalal kala duwan.

“Qorshaha lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland ayaa soo socday muddo sanado ah, iyadoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo, uu ciidamo [ u diray] dalalka Ereteriya iyo Turkiga, si ay tababar ugu soo qaataan, ujeedkooduna ahaa in ay la dagaalamaan Somaliland. HubkII loogu deeqay Soomaaliya ayaa sida oo kale lagula dagaallamey Somaliland.” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Cabud-waaq Kula Kulmay Masuuliyiin Iyo Waxgarad Kale :- Sawiro
Next articleWararkii ugu dambeeyay dagaal culus iyo duqeymo oo ka dhacay Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here