Somaliland ayaa kasoo dabacday qodobo muddo ay ku dheganeyd, sida ku cad war-murtiyeedka laga soo saaray wada-hadalladii madaxda Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku dhex-maray dalka Jabuuti.
Waxaa kaloo iyana War-murtiyeedka ku xusnaa in halkii markii hore si garba siman loogu qori jiray Soomaaliya iyo Somaliland, in war-murtiyeedkaan uu ku soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland.
Arrintaan ayaa ka dhigan in Somaliland aan dal ama Jamhuuriyad loo aqoonsaneyn, oo ay lamid tahay sida dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo u muuqata inay aqbashay mabda’ ahaan.
Qodobkaas wuxuu dowladda Somaliland geynayaa qaanadda ay ku jiraan maqaam ahaan Dowladda Puntland, Dowladda Jubbaland, Dowladdaha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Somaliland waxay markii ugu horreysay ogolaatay in war-murtiyeedka lagu soo daro qodobka Masiiriga ee midnimada oo wadahadaladii hore aan lagu soo darin, maadaama aysan madaxda Somaliland waligood ogolaan in laga hadlo arrimaha masiiriga ah.
War-murtiyeed ayaa xalay laga soo saaray shirkii dalka Jabuuti uga socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo ka kooban 8 qodob.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hanaanka geedi socodka wadahadalada bilaabanaya, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wadahadallada.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la dhaqan-geliyo heshiisyadii horay loo galay sanadihii u dhaxeeyey 2012-kii ilaa 2020-kii.