Home Wararka Somaliya Puntland Go’aan laga gaaray tirada xildhibaanada Puntland kadib bixitaankii SSC-Khaatumo

Go’aan laga gaaray tirada xildhibaanada Puntland kadib bixitaankii SSC-Khaatumo

0

Isimada dhaqanka Puntland, oo shir deg deg ah ku yeeehay Garoowe, ayaa go’aamiyay in doorarashada lagu galo 49 xildhibaan islamarkaana la ixtiraamo go’aankii masiiriga ahaa ee SSC-Khaatumo.

SSC-Khaatumo ayaa odayaasheeda waxay horey u sheegeen inay go’aan ku gaareen in aanay soo xulin xildhibaanada Puntland, ayaga oo sheegay in hadda kadib ay yihiin maamul madax-banaan, oo aanay ka tirsaneyn Puntland.

Bayaanka isimada dhaqanka Puntland oo ay ku saxiixan yihiin ilaa 30 isin ayaa sidoo kale soo jeediyay in ay is-casilaan xubnaha SSC-Khaatumo kaga jira guddiga xallinta khilaafaadka doorashada.

Isimada dhaqanka ayaa sidoo kale magacaabay guddi isimo ah oo ka kooban 5 shan xubnood, kuwaas oo korjoogteeya guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland.

Waxay sidoo kale soo jeediyeen in marka doorashadu dhacdo, maamulka soo baxa, Isimada iyo waxgaradka Puntland ay isaga yimaadaan dhammaystirka tirada ka bannaan baarlamaanka Puntland, ee ay ka baxeen xildhibaanadii Khaatumo.

Isimada ayaa sheegay in aanay waxba iska beddelin xilliga doorashada, waxayna dalbadeedn inay adkeynayaan go’aankii Isimada Puntland soo saareen 1-dii November 2023 ee ahaa in doorashadu ay dhacdo 8-da Janaayo, 2024.

Ugu dambeyn Isimada ayaa usoo jeediyey saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee Puntland ku wargelinaynaa inaysan ku milmin siyaasadda, waajibaadkoodana u gutaan si karti iyo hufnaan ay ku dheehan tahay gaar ahaan marxaladdan xasaasiga ah.
Ad
Previous articleSomaliland oo afar qodob oo xasaasi ah kasoo Tanaasushay
Next articleTartankii Maamul Goboleedyada ee Shalay Furmay oo Dib loo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here