Home Wararka Somaliya Somali Weerar ka geestay safaaradda Faransiiska ee magaalada Darussalam iyo Tiro dad...

Somali Weerar ka geestay safaaradda Faransiiska ee magaalada Darussalam iyo Tiro dad ku dhintay

0

Madaxweynaha Tanzania ayaa maanta sheegtay in shan qof, oo ay ku jiraan saddex sarkaal oo boolis ah, lagu dilay dagaal ay la galeen nin hubeysan, meel u dhow safaaradda Faransiiska ee magaalada Darussalam.

Dambi-baaraha guud ee Tanzania Simon Sirro ayaa weriyayaasha u sheegay in ninka weeerarka soo qaaday uu kasoo jeedo Soomaaliya.

Illaa iyo iminka ma cadda haddii weerarka oo ka dhacay aagga sida aadka ah loo ilaaliyo ee xeendaabka diblomaasiyiinta uu ahaa weerar argagixiso.

Si kastaba, dambi-baare Sirrro ayaa sheegay in weerarka ay suurta-gal tahay inuu xiriir la leeyahay dagaalka jihaadka ah ee ka socda dalka deriska la ah Tanzania ee Mozambique, halkaasi oo dalal badan oo African ah ay ku biirayaan isku dayga looga adkaanayo kooxda dalkaas ka dhisan ee la baxday Al-Shabaab.

Iska hor-imaadka maanta ka dhacay dibedda safaaradda Faransiiska ayaa yimid waxyar un kadib markii madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay saraakiisha amniga khudbad ugu jeedisey qeyb kale oo ka mid ah magaalada.

Madaxweynaha ayaa goor dambe sheegtay in saddex sarkaal oo boolis ah, askari iyo ninkii weerarka soo qaaday ay ku dhinteen iska hor-imaadka.

Muuqaallo lagu baahiyay mareegyada oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin ayaa muujinaya albaabada safaaradda Faransiiska ee Darussalam, nin taagan banaanka albaabka, iyadoo la maqlayo dhawaqa rasaasta.

TV-yada Tanzania ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya booliiska oo xiran jaakadaha aysan xabbadu karin oo isku duwaya wax u muuqday mayd yaallay banaanka safaaradda, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Safaaradda Mareykanka ayaa soo saartay diginin amni, waxayna muwaadiniinteeda ugu digtay inay ka fogaadaan aagga. Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn goobtii ay ka dhaceen qaraxyadii bishii August 1998-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee Darussalam.

Ad
Previous articleTaliban oo war kasoo saartay joogitaanka Turkiga ee Afganistan
Next articleGalmudug oo Xukun ku riday Nin Afduub u geestay Gabar Lix Sano jir ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here