Home Wararka Maanta Siyaasiin Caan ah oo Si kulul uga Hadlay Xasuuqii Hiraan Alshabaab Ka...

Siyaasiin Caan ah oo Si kulul uga Hadlay Xasuuqii Hiraan Alshabaab Ka Gaysteen

0

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metela gobolka Hiiraan, gaar ahaan dadkii xalay lagu laayeey duleedka Maxaas, ee beesha Xawaadle ayaa kulan deg deg ah isugu yimid, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaan oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa shirkooda kadib waxay la hadleen warbaahinta, waxayna wacad ku mareen inay ka aar-goosa doonaan Al-Shabaab, una hiili doonaan dadkooda la laayey.

Xildhibaanadaas ayaa sheegay in berri ay u safri doonaan Hiiraan, isla markaana ay hoggaami doonaan dagaal ay uga aar-gudanayaan kooxda, sidoo kalena ay gurmad deg deg ah gaasiinayaan dadka ku nool deegaanada Bari ee gobolka Hiiraan oo wajahaya cunaqabateyn adag oo Al-Shabaab uga imaaneysa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay degaan hoos taga Maxaas oo Hiiraan ka tirsan ku xasuuqday ugu yaraan 30 qof oo shacab ah, sidoo kale sideed gaari oo sahay siday ayey gubeen, waxayna ku andacoodeen inay macawiisley laayeen, gumaadkii xalay waxaa aad uga carooday dhamaan dadka Soomaaliyeed.

wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir M. Nuur ayaa soo qoray, “Shacabkeygiyoow wajiga rasmiga ah ee Alshabaab waa kan Galgaduud iyo Hiiraan iyo meelo kalaba ku aragtaan.
Waa kuwa leynaya marasta gubayana gaadiidka shacbka, ceelasha biyaha baraagaha iyo Isgaarsiinta, kadib markey u babac dhigi waayeen cududa Shacabka iyo Ciidanka Xooga.
Waxaa loo aari doonaa dhamaan shuhadadii Haweenka, Caruurta iyo Waayeelka isugu jirtey ee ay laayeen inshalah.”

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida adag uga hadashay xasuuqii loo geystay dadka shacabka ah, isagoo dowladda ka codsaday in dadka deegaanadaas ay ku garab-siiso dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan.

Ad
Previous articleGalmudug oo la wareegtay gaadiid ay UK ugu deeqeen (Sawiro)
Next articleCabdicasiis Abuu Muscab oo ka hadlay weerarradii dadka badan ay ku laayeen ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud