Home Wararka Maanta Sidee xalay wax uga dhaceen goobtii ay weerareen al Shabaab ee degmada...

Sidee xalay wax uga dhaceen goobtii ay weerareen al Shabaab ee degmada Kaxda?

0

Kooxda Al shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday bar koontarool oo ciidanka xasilinta caasimada ee Booliska sida milatariga u tababaran ay ku lahaayeen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Barta koontarool ee weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ay ku taala xafada Baydhabo-yareey ee degamada kaxda, oo ah meel aan sida ugu fogayn saldhiga iyo xarunta degmada.

Sida ay noo sheegeen saraakiil katirsan ciidankaan, rag hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa sadex jaho weerar kaga soo qaaday goobta ay ku suganaayeen saaxibadood. Waqtigaas inta badan ay hurdeen ciidanka ku sugan barta koontarool sida ay BBC-da u xaqiijiyeen saraakiishaan.

Muddo rubuc saac ah ayay israsaasayn dhexmartay ciidankii goobta ku sugnaa iyo kuwii al Shabaab, kadibna waxaa u suuragalay inay la wareegaan qaybta hubinta ee ciidanka ayay noo sheegeen saraakiishaan.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay BBC da u shegeen xubnahaan, ilaa 6 askari ayaa lagu dilay is rasaaseyntii dhexmartay ciidanka dawladda iyo kuwa Al shabab. Waxaa kale oo ku dhaawacmay ilaa sadex askari oo kale oo labo ka mid ah ay saaka isbitaalka ku geeriyoodeen .

Marka laga soo tago khasaaraha nafeed, waxa ay saraakiishaan noo sheegeen in koxdii weereraka soo qaaday ay qateen qaar kamid ah hubkii ciidanka ku sugnaa goobta. Nuucyada hubka ay qaateen ayaynaan si madax banaan u xaqiijin karin.

Kadib maxaa dhacay?

Saraakiishaan waxay noo sheegeen in kooxdii soo weerartay barta kontorool ay qarax ku aaseen goobta, kaas oo ay la kulmeen ciidankii dawladda ee u yimid gurmadka. Waxa ay noo sheegeen saraakiishu in qaraxaas uu khasaare u gaystay ciidankii la kulmay.

Dhanka kale, qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa BBC da u sheegay in ay maqleen dhawaqa qaraxaas.

“In kasta oo qarax uu ka dhacay meel xooga ii jirta hadda waxaa uu ahaa mid weyn oo qalqal na galiyay,” ayuu BBC da u sheegay Shuceyb oo kamid ah dadka deeganka.

Saaraakiil ayaa sheegay in dhanka kale uu jiro khasaare gaaray kooxdii weerarka soo qaaday. “Waxaan aragnay in dhiig ku daatay meeshii ay ku sii carraeen. Waxa u ekayd in wax la jiidayay uu dhigaasi ka daatay,”. Balse waxa aynaan xaqiijin karin inta uu la egyahay khasaaraha gaaray kooxda soo weerartay barta.

Saaka ay ciidamada dawladdu waxay hawlgallo ka sameeyeen goobta lagu soo weeraray ciidamada xasilinta. Sida uu noo sheegay qof goobjooge ah ciidamada ay joojiyay dhawr qof oo aagga ku sugnaa.

Dowladda Soomaaliya iyo laamaha amaanka ayaan isku day inaan xiriir la sameyno, balse nooma aysan suuragalin inaan helno.

Dhanka kale afahayeen booliska Soomaaliya oo aan ku helnay qadka taleefanka ayaa sheegay in ay war ka soo saari doonaan dhacdadan.

Ad
Previous articleCiyaarihii kubadda cagta ee maamul goboleedyada oo dib u bilaabmaya iyo Koonfur Galbeed oo go’aan laga garay
Next articleDowladaha Turkiga, Masar iyo Eritrea oo Balan Qaaday inay Soomaaliya Ka Difaaci Doonaan Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here