Home Wararka Maanta Sidee Alshabaab Hubaysan oo Qaraxyo Wata Ku Tageen Xeebta Liido oo Dad...

Sidee Alshabaab Hubaysan oo Qaraxyo Wata Ku Tageen Xeebta Liido oo Dad Badan ay ku Dileen?

0

Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkii lagu dhammaaday ee Jimcihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ay ka gaysatay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, xilli ay ku sugaan dad badan oo rayid ah.

Weerarkan oo qaraxyo ku billowday, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhaliyay su’aallo iyo shaki xoogan oo ku aadan sida kooxda ugu suuragashay inay gaarto goobtaasi oo si weyn loo ilaaliyo amnigeeda.

Xildhibaan Cali Xaaji oo ah guddoomiyaha guddiga cadaaladda ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa shaaciyay xog ku aadan weerarkaasi, wuxuuna qiray inay caddahay in ragga weerarka gaystay meesha la geeyay, loona fududeeyay inay ka gudbaan dhammaan baraha koontarool ee ka horreeyo xeebta Liido.

Cali Xaaji ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu lafteeda ay wax badan ka ogtahay arrintan, balse loo baahan yahay isl xisaabtan ah dhab ah.

“Wax cirka kasoo dhacay ma’ahan waa bashar caadi ah oo inta lasoo kaxeeyay la keenay weeye kadibna waxaa la yiri howsha waa halkaanee wata. Dowladdu ma oran karno ma oga qof oran karaa arrintaana ma jiro” ayuu wareysiga ku yiri Xildhibaan Cali Xaaji.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Inuu intuu iska yimaado meel qof kasta uunan tagi karin oo anoo xildhibaan ah aanan tagi karin oo baaritaan la’aan cidna tagi karin intuu inan yar oo Argagixiso ah iska yimaado isaga oo jeebadaha bam kasoo buuxsaday inuu waxa uu doono sameeyaa wax dowladda ka indho la’dahay ma’ahan”.

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa ku baaqay in maxkamad lasoo taago cid kasta oo ku lug yeelataa weerarkan, sidoo kalena xilalka laga qaadaa saraakiisha dayaca sameeyay.

“Dowladda waxaa laga doonayaa ciddii xisaabtaas qaadan lahayd oo shaqadeedii ku waayi lahayd oo loo maxkamadeyn lahaa ayaa dowladda looga fadhiyaa” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu ku daray  “Arrintan waa wax miiska saaran oo dowladdu warkeeda hayso bis dowladda waxaa looga fadhiyaa inay caddeyso oo dadkii dayacaaddaas xagooda ay ka timid maxkamad iyo in garsoor la helo ayaa loo baahan yahay” .
Ad
Previous articleBritish Prime Minister Keir Starmer spoke strongly about the violence in his country
Next articleMuxuu ahaa Hubka Ciidamada Puntland ay gacanta Ku dhigeen Kadib Markii ay u daateen Gurigaan?