Home Wararka Maanta Sida loo soo qabtay ninkii xaaskiisa ku gubay Muqdisho oo ku Sugnaa...

Sida loo soo qabtay ninkii xaaskiisa ku gubay Muqdisho oo ku Sugnaa Dhul Furin ah oo ku Yaala Koonfurta Mudug?

0

Sida ay baahiyeen booliska Soomaaliya, Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu dhawaan xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho ayaa gacanta waxaa lagu soo dhigay isagoo dhuumaaleysanaya.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadaq Doodishe oo BBC la hadlay ayaa yiri “Sayid Cali ayaa cadaaladda ka baxsaday oo ehelkiisa dad ka mid ah ay u fududeeyeen in uu cadaaladda ka baxsado. Hogaanka baarista dambiyadda ee CID iyo ciidanka booliska Soomaaliyeed oo in dhawaale isha ku hayay oo ku howlanaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysanahaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Cadaadley ayay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan”.

Taliyaha ayaa faafaahiyay sida ay ugu suuragashay inay ninkan gacanta ugu soo dhigaan iyagoo sheegay inay qabteen labo nin oo ninkan ka caawineysay dhaawac ka soo gaaray dabka uu xaaskiisa ku gubay, sidaasina ay ugu suuragashay inay eedeysane Sayid cali gacanta booliska ku soo dhigaan.

“Labo eedeysane oo ninkaas gacanta ku hayay oo gargaarayay bacdamaa uu dab ka soo gaaray gacanta maalintii uu marwadiisa gubayay, ayaa u doonay adeeg caafimaad, waxayna aadeen deegaanka Gawaan oo hoostaaga degmada Wisil. Ciidamadu ammaanka ayaa ka war helay. Gacanta ayaa lagu dhigay labadii eedeysane, dabadeedna waxaa fududaatay eedeysanihii bartii uu ku dhuumaaleysanayay in loogu tago.” ayuu yiri Gaashaanle Saadaq.

Booliska ayaa sheegay in ninkan eedeysanaha ah sharciga la hor keeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan isagoo hadda ku xiran mid kamid ah saldhigyada booliska ee Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale BBC u sheegay in meesha eedeysane Sayid Cali laga soo qabtay ay aheyd meel furin ah oo uu ka socdo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Soomaaliya iyo Al-shabaab, taasina ay keentay in ciidamada iyo Booliska Galmudug ay iska kaashadaan soo qabashada eedeysanaha.

Xaaskii ninkaan la soo qabtay ayaa u dhimatay dhaawac ka soo gaaray dabka uu ku gubay odeygeedu, sida ay sheegeen masuuliyiinta booliska.

Raggaas ayaa ala filayaa in dhawaan sharciga la hor keeno.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleXasan shiikh oo Koobkii Guusha Gudoonsiiyay Ciyaartoyda Galmudug
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Xasan Sheekh oo hal shuruud ku xiray inay wada-hadlaan Somalia iyo Ethiopia