Home Wararka Maanta Shuute oo Shaaciyay In Xabsiga Dhexe uu Qaadi Waayay Maxaabiista

Shuute oo Shaaciyay In Xabsiga Dhexe uu Qaadi Waayay Maxaabiista

0

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka side ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay magaalada Muqdisho ka jirta xabsi la’aan.

Waxaa uu farta ku fiiqay in dambiilayaasha la soo xiro aan loo hayn xabsiyo ku filan oo lagu hayo.

“Magaaladii waxaa ka jirta xabsi la’aan waxyaabaha sababta u ah oo badan in waxyaabo yar oo laga hortagi karay ay weeynaadaan waxaa sabab u ah xabsi la’aanta” ayuu yiri Mr Shuute.

Waxaa uu xsuay in xabsiga dhexe ee Xamar uu noqday xabsiga kali ah ee lagu soo xiro dhammaan dadka laga kala keeno gobolada dalka.

“Xabsigii dhexe ee Xamara ayaa xabsiga dhexe ee Soomaaliya isu badalay, xabsigii degmooyiinka Muqdisho na isu badalay xabsiyada gobolada la xoreeyay oo dhan wada ah”. ayuu yiri.

Hadalka Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka side ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ku soo beegmaya xilli maanta shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar ay dad ku dhinteen.

Ad
Previous articleFaahfaahin:Dagaal Culus oo Alshabaab iyo Macawilayda Hiiraan Ku Dhexmaray Duleedka Buulaburte
Next articleFaahfaafin: Sidee maanta wax uga dhaceen xarunta xabsiga dhexe ee Xamar?