Home Wararka Maanta Shirkii Madaxda Dowlad gobaleedyada oo baaqday

Shirkii Madaxda Dowlad gobaleedyada oo baaqday

0

Shirkii wadatashiga ahaa ee ay maalinta berrito ah dowlad goboleedyadu ku qabsan lahaayeen magaalada Garowe, ayaa baaqday, sida ay inoo sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Puntland.

Shirkaan ayaa sababta uu u baaqday waxaa lagu sheegay codsi ka yimid madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho ka wada kulamo xal loogu raadinayo khilaafka siyaasadeed ee madaxda ugu sareysa Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor, ayaa shalay la kulmay raysal wasaare Rooble, inkastoo aan la ogayn waxa kasoo baxay kulankooda, haddana xogo la helayo waxay sheegayaan in kulankaas kadib uu madaxweyne Qoorqoor ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada in shirka Garowe dib loo dhigo.

Shirka Garowe waxay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyadu kaga arrinsadaan lahaayeen dardargelinta qabsoomiddda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda dalka, kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha Soomaaliya.

Dhawaan, madaxweynayaasha Galmudug iyo koonfur galbeed ayaa ku guuldaraystay in ay dhex dhexaadiyaan Farmaajo iyo Rooble, kadib markii madaxdu mowqif adag ka kala istaageen arrimaha la isku hayay.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Shir Gudoomiyay Shirka Looga hadlay Horumarinta Arimaha Bulshada
Next articleProf C/wahaab Sheikh Cabdi samad oo la sii daayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here