Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war murtiyeed ka soo saaray shir Muqdisho ugu socday Afar cisho, waxaana Goluhu ka soo saareen illaa Shan qodoboo ka mid ah Sugidda Amniga, La dagaalanka Argagixisada, Dardar gelinta dib u eegista Dastuurka, Dimoqraadiyeynta iyo Doorashooyinka.
Golaha ayaa isku raacay in dalka laga dhaqan geliyo nidaamka Xisbiyada Qaran, in dalka laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan, kuna saleysan cod bixiyeyaal diiwaan gishan iyo Xisbiyo u tartama
Sidoo kale Waxaa Golaha Wadatashiga Qaran isku raaceen in la qabto labo doorasho, mid Heer Federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.
Ad