Home Wararka Maanta Dowladda oo Mar Sadexaad Shaacisay in ay korotay khasaaraha Dhimasho ee ka...

Dowladda oo Mar Sadexaad Shaacisay in ay korotay khasaaraha Dhimasho ee ka dhashay qaraxyadii Soobe

0

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana saacadihii lasoo dhaafay geeriyooday qaar kamid ah dadkii dhaawacyada culus qaraxyada kasoo gaareen.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay korortay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxyadii Soobe, waxa uuna xusay in ay socdaan dedaalo lagula tacaalayo dadka dhaawacyada qaba.

Waxa uu sheegay wasiirka in hadda ay mareyso khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxyadii Soobe 120-qof , waxa uuna xusay in ay jiraan dad isbitaalada ku jiray oo u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale sheegay in dadka qaraxyada ku dhaawacmay inta ay heleen xogtooda ay ka badan yihiin  325 qof, waxa uuna xusay in hadda isbitaalada jiifaan oo lala tacaalayo 152 qof , halka kuwii kalana guryahooda ku laabteen.

Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in dhaqaatiir ka caawisa daaweynta dhaawacyada culus ka dalbadeen dalal ay ku jiraan Turkiga, Sacuudiga, Masar iyo Kenya, waxa uuna xusay in dhaawacyada qaar adag tahay in la qaado sidaa darteed u dalbadeen dhaqaatiirta.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxyadii labada ahaa ee sabtidii ka dhacay isgooska Soobe ayaana lacaga cabsi qabaa in ay kasii kordhaan tirada uu hadda sheegay wasiirka, waxaana jira bukaano dhaawacyo culus qaba oo xaaladooda laga deerinayo.

Ad
Previous articleDowlada Sweden oo Sheegtay in Dhaqaalaha Dalka uu Hoos u Soconayo Xiliga Jiilaalka
Next articleShirkii Golaha Wadatashiga Qaran Oo La Soo Gabagabeeyay Iyo War-Murtiyeed Laga Soo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here