Home Wararka Maanta Shirkii Golaha Wadatashiga iyo Musharaxiinta oo Caawa qabsoomaya

Shirkii Golaha Wadatashiga iyo Musharaxiinta oo Caawa qabsoomaya

0

Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta ayaa caawa leh shir dhanka Zoom-ka, kaasoo looga hadlayo caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan hufnaan la’aanta ka jirta doorashada iyo sidii loo sixi lahaa qaladaadka ka jira doorashada

Musharaxiinta oo horay u soo saaray qoraal ay ku caddeeyeen qaladaadka iyo sixitaanka doorashada ayaa u gudbinaya Golaha Wadatashiga Qaran mowqifkooda ku aadan doorashada socota oo ay horay u dalbadeen in la hakiyo.

Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaamiyo ayaa laga sugayaa inay qaadaan tallaabooyin lagu saxayo cabashada ka jirta doorashada, si ugu yaraan loo soo celiyo kalsoonida doorashada, iyadoo horay Ra’iisul Wasaaruhu u balanqaaday in cabashooyinka wax laga qabanayo.

Ad
Previous articleCalanka Soomaaliya oo markii Ugu horaysay laga taagay Xarunta Qaramada Midoobay ee Dhaqaalaha iyo Bulshada
Next articleXafiiska Ra”isul Wasaaraha oo war ka Soo saaray Kulankii Dhexmaray Musharaxiinta iyo Golaha Wadatashiga Qaran (Sawiro)