Home Wararka Maanta Shirkii Farmaajo iyo Rooble oo Laga saaray Qoor Qoor iyo Laftagareen

Shirkii Farmaajo iyo Rooble oo Laga saaray Qoor Qoor iyo Laftagareen

0

Kulankii u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee ay dhexdhexaadinayeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa galay wajiga labaad, iyadoo wararku ay sheegayaan in qodobbada qaar la isku afgartay.

Shirka oo markii hore ka billowday Villa Uganda waxaa ka wada qeyb galay labada Madaxweyne goboleed, wasiirka waxbarashada iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Kaddib waxaa kulan gaar ah uga billowday Xafiiska Madaxweynaha, Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaliya, iyadoo bannaanka uga soo baxeen dhammaan xubnihii kale ee wajiga koowaad ee kulanka qeybta ka ahaa. Arrintaan ayaa ka dambaysay markii Madaxweyne Farmaajo uu codsaday inuu Ra’iisul Wasaare la yeesho kulan gaar ah oo ay uga doodayaan sidii farsamo ahaan loo fulin lahaa qodobbada la isku afgartay ee lagu xallinayo khilaafka taagan.

Ad
Previous articleDiiwaan galinta Xubnaha Musharaxiinta ee Aqalka sare oo Jowhar Lagu soo Gaba gabeeyay
Next articleXog ku saabsan Qodobada ay ku Heshiiyeen Farmaajo iyo Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here