Shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, 26 – 27 Agoosto 2023.
Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa kulankoodii 7-aad diiradda ku saaray seddax qodob oo kala ah:
1 – Dhameystirka howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada kooban ee weli ku harsan gacanta cadawga iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.
2 – Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo degaannada lagu xorayn doono howlgallada wajiga 2-aad.
3 – Dib-u-heshiisiinta bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.
Bogaadin: Goluhu wuxuu Bogaadinayaa guulaha waaweyn ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada ay ka gaareen dagaalladii u danbeeyay ee khawaarijta looga xoreeyay degaanno badan oo muhiim ah ee dhaca Gobolka Galguduud ee Dowladda Galmudug.
- QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY: Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa falanqeyn dheer kadib ku heshiiyay qodobada hoos ku xusan:
- HOWLGALLADA DIB-U-XOREYNTA• Goluhu wuxuu adkeynayaa in dowladda federaalka, dowladdaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir iyo isku tashi leh u xaqiijiyaan amniga una xajistaan amniga deegaanada la xoreeyay.
- Goluhu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istraatiijiyadda qaran ee la dagaalanka khawaarijta, la iskuna dubbarido dadaallada kala duwan ee hey’addaha dalka.
- Goluhu waxuu adkeynayaa in dalku uu ku jiro xaalad dagaal ayna waajib tahay in aan loo kala harin dadaallada dib-u-xoraynta dalka.
- Goluhu wuxuu go’aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka hawlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta, lana ballaariyo howlgallada dib-u-xoraynta.
- XASILINTA DEEGAANADA LAGA XOREEYAY KHAWAARIJTA▪ Goluhu wuxuu adkeynayaa ahamiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaarijta.
▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa ganacsatada, hantileyda Soomaaliyeed iyo kuwa kheyrka jecel in ay ka qeybqaataan dadaalada dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay.
- U DIYAARGAROWGA WAJIGA LABAAD EE HOWLAGALLADA▪ Golohu wuxuu isla qaatay in si wadajir ah loo dardargaliyo diyaargarowga DFS iyo DXDF ay ugu jiraan wajiga 2-aad ee dagaalka lagu xoreynayo deegannada wali ku jira gacanta khawaarijta ee Jubalaand, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle (Galbeedka Wabi Shabeelle).
- DIB-U-HESHIISIIN IYO NABADAYN BULSHO• Goluhu wuxuu go’aamiyay u diyaar-garowga dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed si colaadaha ay khawaarijtu dhex dhigeen xal- waara looga gaaro.
- Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay dardar galiyaan fulinta istaraatiijiyada iyo qorshaha Qaran ee dib-u-heshiisinta, nabadaynta bulshada iyo ciribtirka xagjirnimada.
- QODOBBO KALE▪ Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
▪ Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda.
▪ Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista.
- MAHADCELIN▪ Goluhu wuxuu mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Dowladda iyo shacabka Galmudug oo si buuxda u martigeliyay shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran.
–DHAMMAAD–