Home Wararka Maanta Shirkadii Heshiiska Shidaalka Soomaaliya Qaadatay oo War lama filaan ah soo Saartay

Shirkadii Heshiiska Shidaalka Soomaaliya Qaadatay oo War lama filaan ah soo Saartay

0

Shirkadda Coastline Exploration ayaa ku gacansayrtay go’aankii ay madaxda sare ee dowladda uga horyimaadeen heshiiskii uu Wasiirka shidaalka dowladda kula saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxa shirkadda Coastline, Richard Anderson ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyaay barnaamijka Galka Baarista waxa uu si weyn u difaacay in uu sax ahaa nidaamkii ay heshiiska kula saxiixdeen Wasiirka shidaalka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed.

“Waxaa aaminsanahay in heshiiska aan saxiixnay uu sax yahay oo si buuxda u jiraan. Filashadeyda waxa weeyi in aan fasax ka heli doono dowladda federaalka, kadib waxaa bixin doona lacagtii saxiixa oo waa shaqo galeyna,” ayuu yiri.

“Cid iskama dhago tirin, markale aniga oo dooneyn in aan hoos ugu sii galo faah-faahinta dooda sharciga ah, sababta oo ah way jiraan iyaga oo dhowr ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka hor inta ay saxiixin heshiiska ay la tashi la sameeyen wasaarada iyo wakaalada Batroolka, kuwaasi oo kalsooni ka siiyay in madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka warqabaan saxiixa heshiiskaas.

 

 

Nagama suurtowdo taxadar la’aan intaas le’eg in aan galno howl intaas le’eg anaga oo aan ogeyn ama rumeysneyn in howsha ay korka ka toosan tahay. Waxaa ku xasuusinaya in marka la raaco sharciga Batroolka aan nagala dooneyn in aan la hadalno Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha midkoodna si toos ah, ” ayuu yiri Madaxa shirkadda Coastline, Richard Anderson.

Richard Anderson ayaa ku cel-celiyay in madaxda sare ee dalka ay ka warqabeen heshiiskaas, sida ay u sheegen madaxda Wasaarada, ayada oo hore u sheegay Wasiirka shidaalka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed in Farmaajo uu wax ka oga arrintaas.

 

Hase yeeshe Xafiisyada Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roole ayaa waxay labaduba rasmi ahaan u shaaciyeen in heshiiskaas uusan xalaal ahayn, ayaga oo si adagna uga horyimid.

Sidoo kale waxa jira xafiisyo ka baxsan midka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo hore uga digay in xiligaan heshiisyo la galo, maadama ay dagsaneyn shuruucdii canshuurta iyo deegaanka, waxaana kamid ah Guddiga maamulka Maaliyada oo la sameeyay sanadkii 2013-ka si ay dowladda uga siiyaan tallo-bixin heshiisyada iyo qandaraasyada, waxaana guddiga ku wada jira Wasiirka maaliyada Soomaaliya, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo xubin ka tirsan bangiga Adduunka.

Guddigaan ayaa talo-bixin ay soo saareen bishii Janaayo ee sanadkii hore waxay ku soo jeediyeen in heshiisyada iyo qandaraasyada cusub ay sugaan dowlada cusub ee dalka ka dhalan doonta.

 

Ad
Previous articleGuddiga Doorashooyinka Oo Gaaray Garbahareey War Cusubna Soo Saaray
Next articleGabadh caan ka aheyd TikTok oo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah.iyo.Sababta oo La Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here