Home Wararka Maanta Shirkadaha diyaaradaha oo si adag uga soo jawaabay qoraalkii wasiirka gaadiidka

Shirkadaha diyaaradaha oo si adag uga soo jawaabay qoraalkii wasiirka gaadiidka

0

Ururka shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay uga jawaabayaan warkii xalay ay soo saartay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, iyagoo sheegay in wasiirku aysan soo hadal qaadin arrinta sababtay caqabadaan.

Midowga shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay in wasiirka gaadiidka sii wado hanjabaad ka dhan ah shirkadaha, iyagoo madaxda dowladda ka codsaday inay tallaabo ka qaadaan wasiirka.

Waxay Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyeen sidii uu shalay ugu soo baxay arrintaan ee duulimaadyadii xayiraa uu u fasaxay, iyagoo si guud ugu mahad celiyey madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale ganacsatada soo saartay qoraalkaan waxay sheegeen in wasiirka gaadiidka ay dhowr jeer ku xadgudubtay shirkadaha diyaaradaha dalka, iyadoo shirkado ajaanib ah u ogolaatay inay ka shaqeeyaan gudaha dalka.

Ururka shirkadaha doyaaradaha ayaa wasiir Fardowsa ku eedeeyey in xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u gacan gelineyso shirkad gaar ah, iyadoo ujeedadu ay tahay dhaqaale abuur, sida lagu sheegay qoraalka.

Waxay sheegeen in lacag 9 doolar ah ay dooneyso wasiirku in laga qaado qof kasta oo ka duulaya garoonka Aadan Cadde, taas oo sharci darro ay ku tilmaameen.

Sidoo kale qoraalka ururka shirkadaha waxaa lagu sheegay wasiir Fardowso ay weli u sii hanjabeyso shirkadaha diyaaradaha, halkii ay ka filayeen in laga laabo go’aankaas qaldan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shalay ku baxay arrintaan, isagoo goor duhurkii ah garoonka ka safaxay kumanaan qof oo wasaaradda u xayiraa, waxaana laga doonayey inay aqbalaan diyaaraduhu lacagtaan dulsaarka ah.

Ad
Previous articleImaaraadka Oo lagy eedeeyey inuu Itoobiya Dabada kasoo Riixaayo si ay Bada Soomaaliya u Qaataan
Next articleDadkii ugu horeeyay oo ku dhintay weerarada ay kooxda xuutiyiintu ku qaadayaan maraakiibta ganacsiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here