Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdirahman Shiikh Xasan ayaa Caawo Daah furay Shirkada Nadaafada iyo Bilic Soo Celinta Magaalada Gaalkacyo.
Daah furka Munaasabadaan Ayaa Waxaa ka Soo qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha Deeganka, Agaasimayaasha, Gudoomiyasha Xaafadaha Xubno ka socday Ururka Dhalinyarada, iyo Haweenka Qeybaha kala Duwan Ee Bulshada.
Duqa Degmada Galkacyo ayaa sheegay in Shirkadda Nadaafada iyo Bilic Soo Celinta Ee bad baado ay wax ka Qaban doonto Nadaafada iyo Bilic soo Celinta Galkacyo islamarkaana Maamulka Degmadu ku Gacan Siin Doono Fududeynta iyo Hagaajinta Nadaafada Degmada Gaalkacyo iyo Deeganada Hoos yimaado.
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi Galinta Dowlada hoose Degmada Galkacyo.
Ad