Home Wararka Maanta Shirka Geedi Socodka Dib Uheshiinta iyo Isdhexgalka Bulshada oo Laga Daah Furay...

Shirka Geedi Socodka Dib Uheshiinta iyo Isdhexgalka Bulshada oo Laga Daah Furay Dhuusamareeb

0

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa furay Shirka Geedi-socodka Dib-u-heshiinta & is dhaxgalka Bulshada Galmudug oo aay soo qaban qaabisay wasaaradda Arimimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dib-u-heshiisinta Galmudug.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen Mamulada Dagmooyinka Galmudug, xubno ka mid ah Baarlamaanka Galmudug, masuuliyiinta Wasaaradda Arimiha Gudaha Galmudug & qeybo ka mid ah bulshada Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug oo Shirka furay waxaa looga hadlay Dib-u-heshiisinta Galmudug, ka Faaideysiga Barnaamijka Daryeel, maamul baahinta, is dhaxgalka Dagmooyinka iyo awood siintooda , & xoojinta Booliska iyo isku dhafida.

Madaxweye ku xigeenka Dowlada Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maamulada Dagmooyinka faray in laga faaideysto Barnaamijka Daryeel ee wasaaradda arimaha Guduhu wado.

Sido kale Madaxweynaha waxa uu ugu baqay dagmoyinka oo kaashanaya booliska ay ka shaqeyaan dib u Heshiisinta iyo isdhexgalka Bulahada ku dhaqan Dagmoyinka Galmudug

Ugu danbeyn Madaxweynaha waxa u ka tacsiyeyay geeridii naxdinta lahayn ee ku timid saraakishi Ciidamada Xogga Somaliyeed waxana uu balan qaday in Galmudug ay howlgal balaran ku qaadi doonto Khawaarijta Als-habaab si loga sifeeyo guud ahaan Galmudug.

Ad
Previous articlePuntland oo Digniin Culus u Dirtay Ciidamada Madaxtooyada Puntland
Next articleInka Badab 200 oo Qof oo lagu Dilay Gobalka Zamfara(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here